ISBUUCA KOOWAAD EE UURKA First 3 weeks

Hambalyo! Markaad uur leedahay 3 toddobaad, waxaad si rasmi ah u uuraysatay
oo aad ku jirtaa bisha koobaad – inkasta oo ay ahaan doonto dhawr toddobaad
ilaa aad ku xaqiijin karto warbixinta baaritaanka rasmiga ah ee uurka.


Toddobaadkan, unugyadada (dhakhso u noqonaayo ilmahaaga!) ayaa si degdeg ah u
koraya. Dhanka kale, heerarka hoormoonka ee kor u kaca ayaa laga yaabaa inay
kiciyaan dareenka urta oo sarreeya, mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee
uurka.

Todobadka 3 AAd ee uurka waa imisaa!

Haddii aad uur leedahay 3 toddobaad, waxaad ku jirtaa bisha 1aad ee uurkaaga.
Kaliya 8 bilood ayaa ka dhiman! Weli su’aalo badan ayaa ka qabnaa in aan wax ka ogaano? Waa kuwan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida toddobaadyada, bilaha saddexda ah.

Ilaa Intee ayuu weyn yahay ilmahaygu toddobaad 3aad ?
Toddobaadkan ugxaantaada falgashey, oo daqiiqaddii aad sugaysay ayaa ugu
dambayntii timid:

Waad uuraysatay! Taas oo la macno ah in uurjiifkaagu dhawaan
dhalan doono waxa bilaabmaya isbadalka mucjisooyinka rabi ee ah in unugyo u guuraya in u sameeysmaan qaab wiil ama gabadh.

Wiil mise gabar

Hadda ugxaantaada yar yaraa ayaa si mucjiso rabaani ah ma u noqon doonaa gabadh mise wiil . In
kasta oo ay noqon doonto bilo ka hor inta aanad si hubaal ah u ogaankarin (haddii aad
go’aansato inaad ogaato ka hor maalinta dhalmada), go’aankaas cajiibka ah ayaa
mar hore la sameeyay.


Diyaar ma u tahay koorsada ee bayoolajiga in aad wax ka faaido? Ukunta la bacrimiya waxay ka kooban tahay 46 kurumsumyada – 23 ayu leyahay walid kastaba.

Hooyadu had iyo jeer
waxay bixisaa X kurumusum, laakiin aabbuhu wuxuu ku siin karaa midkood X ama
Y. Haddii shahwada bacrimisay ukuntaada ay qaado X, mida kale na bixisa XX wuxuu
noqonayaa gabadh. Haddii shahwadu ay tahay Y, jaanib ka kale na XY wuxuu
noqonayaa wiil.

Haddii waqtiga ku habboon yahay wakhtiga oo aad galmo
samaysay xilliga ugxaan-sidaha, ukuntaada waxaa bacrimiyay waa hal shahwo wa nasiib wanaag 2 bada asbuuc oogu horeeyso.

ISLA TODOBAADKA 3AAD EE UURKA

Jidhkaagu wuxuu isu diyaarinayaa inuu martigeliyo blastocyst (kaas oo dhawaan
noqon doona ilmahaaga!) kuna sii socda ilmo-galeenka, gurigiisa ilaa sagaalka bilood.

Haddaba maxay tahay waxa ka dhacaya gudaha isla toddobaadkan ? Wax yar ka dib marka ukunta la
sii daayo, follicle-ka ay ka timid wuxuu helayaa kireyste cusub oo loo yaqaan ‘corpus
luteum’, unug jaale ah oo ku jira booska ay ka tagtay ukunta.

Korpus
luteum-ku wuxuu bilaabaa inuu soo saaro progesterone iyo estrogen, oo ku filan
labadaba hormoonnada uurka si ay u nafaqeeyaan oo u taageeraan ilmaha
mustaqbalka ilaa ay mandheertu la wareegto 10 toddobaad gudahood.

Xilligaan iyo dareemka

Udgoonka, carafta, urka si lama filaan ah ayeey kuugu muuqan doonaan kuwo ka duwan kuwaa taqaanay.
Waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa inaad uur leedahay! Dareenka urta oo
sare u kaca waa saameyn dhab ah oo uurku leeyahay oo uu keeno hormoonnada
sida estrogen iyo hCG, kuwaas oo weynaya wax kasta oo udgoon (wanaag, xumaan
iyo foolxumo) ee hawada kugu wareegsan, sida “coronavirus”
Cuntada la karinayo sida makhaayadda, xaafaddaada, qashinka waddada
geeskeeda ama cadarka lammaanahaaga, sankaaga waxaa uu awoodi karaa in uu soo qaado urtaa oo micno kale na u sameeysto.


waxaa lagu la taliyaa dadka marka ay sidaas noqdaan in ay la saaxiibaan microwave-ka (kaas
oo u muuqda in uu ur yar keeno) si cunada kugu soo urun.
Waxa kale oo aad isku dayi kartaa inaad dharka dhaqdo marar badan . Ha ka xishoon inaad weydiiso
lamaanahaaga, qoyskaaga iyo asxaabtaada inay is nadiifiyaan, si
fudud u cadayo ilkahaaga ka dib markaad cuno basal ama toon ku jirto cunto si aadan u matagin.

Tallooyin ka qaybtaan

Kor u qaad xilliyadaan birta jirkaada iyo Vitamiin C
Ku darso jadwalkaga cunista qudarta faidada ku leh iyo miraha qaar. Ku dariso cuntooyinka ay ku jirto fitamiin C-ga ee qiimaha birta qaniga ah ku ah waxay kordhin kartaa nuugista jidhkaaga ee birta, taas oo gacan ka geysata taageeridda korriinka dhiigga ee ilmahaaga korna u qaadeeyso fursadaha uur
caafimaad leh.

Vitamin C ga waxaa ka helikartaa khudaarta iyo miraha sida liinta, bambeelmada,
kiwis, canbaka, strawberries, qaraha, , yaanyada iyo dhir. Birta waxaa laga heli
karaa, hilibka lo’ada, digaaga ama doorada iyo midhaha la qalajiyey.

Qaybtii Hore Halkaan ku dhufo: 0-2 Week La socod wanagsan qaybta xigta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *