Duubabka, xukuumadaha, dhaqamada iyo kuwakale oo badan ee bulsha ku saleeysan kuli waxeey nolosha guurka ku macneeyeen siyaabo kale duwan ee qaar qalafsan, dunida maanta na guurku waxay u tolaan oo ay macneeyaan qaab mug leh, oo saamayn ku leh farxadeena iyo fayoobaantayada. Macnaha waxa ay nolosha dhabta ah noqoneeyso guurka kadib.Doorashada lamaanaha nolosha saxda ah waxay la mid tahay doorashada nolosha aad rabto in aad ku noolaato. Aan u dhaadhacno qodobka muhiimka ah ee ka dhigan guurka dhameestiran si loo helo nolol tayaysan oo dhab ah.

Ku billow safarkaaga guur sal adag leh adiga oo fahmaya muhiimada ay leedahay doorashada lamaanaha nolosha saxda ah. Daaha ka qaad siraha ku jira midoowga horumarsan oo waara oo dhaafsiisan shucuurta degdeg ah.
Qiimaha iyo yoolalka oo la isla wadaago:
Sahami sida isu waafajinta qiyamka asaasiga ah iyo yoolalka nolosha lammaanahaagaa si aasaaska u dhigto guur adag oo waara. Aragtida la isla wadaago waxay kobcisaa midnimada waxayna u horseedaa labada shakhsiba ujeedo guud Oo sal leh.

Isgaarsiin waxtar leh:
Xidhiidhku waa halbowlaha bilawga u ah wax kasta oo guulaysta.In la helo farshaxanka isgaadhsiinta wax ku oolka ah iyo doorka nolosha waxa ay ku leedahay xallinta khilaafaadkasta, sidaa darteed waxtar wanagsan ayeey inoo leedahay xidhiidhka.
Ixtiraamka iyo Taageerada Labada Dhinac:
Baro tiirarka ixtiraamka iyo is taageerida labada dhinac, qaybaha lagama maarmaanka u ah guurka ee in u taagnaado waxa sababo waxaa ka mid ah ixtixaanka fahanka shaqsiyadeed.
La qabsiga iyo Kobaca:
Noloshu waa mid firfircoon, guurkii guulaystana waxa uu u baahan yahay la qabsi iyo go’aan korriin. U fiirso sida lammaaneyaasha isku duubani u wada beddelaan si ay u abuuraan xidhid adkeysi leh oo ka soo baxa mugdiga si nolosha ee is- ku bedasho.
Gabagabo:
Doorashada guurka ugu fiican maaha oo kaliya in la helo “kaamil” ee waa in la wanaajiyo lana barto ln lammaanaha aad la nooshahay cilladahiisa imaankara . Markaad safarkan gasho, xasuusnoow in nolol dheregsan oo farxad leh ay ku dhisan tahay waayo-aragnimada la is la wadaago, korriinka wadajirka ah, iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee guurka waa kan nagu hagayo dhameeystirka nolosha.